Awdalpress – Muqdisho – Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca in ay siidaayaan wariyeyaal ay ku xireen magaalada Dhuusamarreeb.
Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in aan la qaadan karin caburinta saxaafadda, wuxuuna xusay saxaafadda iyo suxufiguba ay shaqo muhim ah u hayaan bulshada.
Bakistaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin amarro ay dhawaan Ahlu-Sunna ku soo rogtay wariyeyaasha gobolka oo la xiriira in ay isdiiwaangeliyaan.
Wariyaasha la xiray ayaa waxay kala yihiin Cabdijamaal Macalin Axmed oo Iddaacada barkulan uga soo waramada gobolada dhexe, Maxamed deeq Cabdi Maxamed oo warbaahinta dowlada uga soo waramada gobolka Galgaduud iyo Bashiir Maxamed Salaad oo wakiil u ah Telefishinka Horncaple.
Bar Kulan