Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Munaasabad Loo Qabtay Ardaydii Ugu Horeysay Ee Ka Qalin Jabisa Kulliyada Public Health-ga Jaamacadda Camuud.

$
0
0

PUBLIC HEALTHBoorama-(Awdalpress)-Kuliyadan oo ah kuuliyaddii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga aasaaso geeska Africa ayaa wax la soo gaadhay midha dhalkeedii oo ay ka qalinjabiyeen 37 kii arday ee ugu horeysay oo ka kooban 8 hablood iyo 29 wiil oo qaatay shahaadada BPH (bachelor of public health). Kuuliyaddan oo lagaga Qalinjabiyo 4 sano oo u kalabaxda sanadka koowaad ee fereshka oo ardaygu ku qaato waxbarashada guud iyo 3 sano oo lagu barto takhasuska caafimaadka guud (public health).Kuuliyaddan waxa la aas aasay sanadkii 2012kid. Kuuliyaddan waxay wax weyn ka tari doontaa wax ka qabashada cudurada faafa iyo kuwa aan fafinba, kuwaas oo fara ba’an ku haya dadweynaha, Sidii loogu dadaali lahaa ee loo xakamayn lahaa wax weyna looga qaban lahaa maamulka iy hogaanka caafimaadka. Wax hubaal ah in Kuliydan wax weyn ka tari doonto caafimaadka bulsho weynta .

Kuuliyaddan oo ay ardaydu ka kala yimaadeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Somaliland iyo Somalia oo dhan. Taas oo waxweyn katari doonta iskaashiga ilaalinta cudurada . Waxayna abuuuri doontaa isbedel dhinaca guud ahaan maamulka caafimaadka isla markaana yareynaysa musuq maasuqa caafimaadka ka jira. Waxayna aburi doonta isbedel in lagu sameeyo daryeelka caafimaadka bulshada, tayada qaabka shaqada caafimaadka iyo dhaqaale ku bixinta arimaha caafmaadka laxidhiidha,si loo helo nidaam ama qaab kharash bixineed oo lajaan qaadi kara ama lasocda dakhliga qof ahaaneed, qoys ahaaneed iyo dhaqaalaha guud.

Inkastoo maamulku uuna fahan sanayn ama ka gaabinayo ujeedooyinka public health guud ahaan hadana aqoonyahandani waxay wax weyn ka tari doonaan la dagaalanka cudurada iyo horamirinta caafmaadka. waxa iman doonta in aqoonyahandani isbedel ku sameeyaan qaabka caafmaad ee hada jira oo ah daweynta dadka markay xanuunsadaan. In taa loo bedelo si loo abuuro nidaam looga hortago cudurada faafa iyo kuwa aan faafinba, in la kordhiyo wacyi galinta bulshada ee dhinacyada caafmadka, kordhinta aqoonta caafmadka bulshadu u leedahay, ururinta macluumadka iyo wargalinta bulshada, gaadhsiinta bulshada sida ay uga qayb qadan lahaayeen arimaha caafmaadka, tababarida qof ahaaneed siduu caafmaadkiisu u horumarin lahaa iyo markay xanuuno la kulmaan siduu isku daryeeli lahaa.

aasaasaha Kuliydan prof. Mahamed Ahmed Aare (Kayd) wuxu hanbalyo udirayaa dhamaan ardaydii ka aflaxday kuliyadan, qoysaskooda iyo asaxaaabtoodaba.

Wuxuuna urajaynayaa inay si hagaar la’ aan ah u dabaqaan aqoontii iyo cilmigii ay barteen mudadii ay kuliyada ay ku jireen, inay xoojiyaan xidhiidhka iyo dhexgalka bulshada si ay ururiyaan xogwaran, taas oo dhalinaysa waydiimo jawaabo u baahan, si ay ugu kuurgalaan xaqiiqda dhabta ah, si ay u raadiyaan daraasado cilmi baadhis oo kajawaabaya waydiimahaas. Islamarkana baahinta natiijooyinka ka soo baxa macluumadka daraasaadka cilmi baadhis ahaaneed iyo sidii arimaha loo joogtayn lahaa, islamarkana sidii loo xoojinlahaa loona hor u marin lahaa xidhiidhka caalamiga iyo iskaashiga hayadaha caalamiga iyo wadamada kale, sidaasi waa sida cafmaadku ku taabo galo.
HALKAN KA DAAWO :

Prof. Mahemed Ahmed Aare {kayd }

Dean school of public health

Amoud university

Borama, Somaliland

Email :kaydaare@gmail.co


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles