Hargeysa (Awdalpress – Guddoomiyihi Jaamacadda Hargeysa Cabdi Xuseen Gaas iyo ku xigeen kiisii Cabdulsalaam Yaasiin aya shalay iska casilay xilalkoodi ka dib marki ay xukuumaddu wax talaabo ah oo sharciga lagu horkeenayo ka qaadi wayday koox uu horkacayey macalin hore looga eryey Jaamacadda oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamad Cadaad, kooxdaasi oo tiraba lix jeer sanadkan gudahiisa weeraro abaabulan ku soo qaaday Jaamacadda.
Kooxdan oo ka kooban tobaneeyo dhalinyaro ah oo ka mid ah ardayda jaamacadda oo ay Cadaad isku haybyihiin aya maamulka jaamacaddu waxay dhawr jeer oo hore uga dacwoodeen taliyaha bilayska Cabdillaahi Fadal iyo Laanta Baadhista(CID) si ay wax uga qabtaan oo sharciga loo horkeeno.Hasa yeeshee siday masuuliinta jaamacaddu hore u sheegeen,waxa is-hortaagay in baadhitaan lagu sameeyo faldambiyeedyadi lagu soo eedeeyey Cadaad iyo kooxdiisa taliyaha bilayska,taliye ku xigeenka laanta CID-da iyo wasiirka Cadaaladda (Xuseen Caydiid) iyagoo sadexdooduba qabiil ahaan isu kaashanaya.