Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Britain oo oggolaatay in ay qaabisho qaxootiga Suuriya.

$
0
0

dDavid CameronRa’iiwal Wasaaraha Britian, David Cameron ayaa waxaa uu sheegay in Britian ay dib u dajin siineyso kumyaal dheeraad ah oo ka mid ah qaxootiga waddanka Suuriya.

Mr. Cameron ayaa waxaa uu sheegay in qaxootigaasi laga soo qaadayo xeryada Qaramadda Midowbey ee ku yaala deegaanadda dariska la ah dalka Suuriya.

Waxana uu ballan qaaday in uu xal mudada dheer ah loo raadinayo qalalaasaha qaxootiga.

Ra’iisal Wasaaraha Britain oo ka hadlayay ka dib markii uu kulan kula yeeshay dhigiisa magaaladda Lisbon ee caasumadda u ah dalka Bortaqiisa ayaa waxaa uu sheegay in Britain ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo caawin lahaa dadka ku baro kacay colaadda Suuriya ee afarta sanadood socotay.

Waxaana la soo saari doonaa faafaahin dheeraad ah oo arrinta la xiriirta todobaadka soo socoda marka wadaxaajood lala yeeshay ururadda gobolka ka shaqeynaya.

 

BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images