Awdalpress(Saylac) 15 July 13–Ganacsade lagu magacaabo Maxamed Aw Siciid oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa lacag gaareysa 3000 USD ugu deeqay dadweynaha ku nool deegaanka Morohda oo ka tirsan degmada Saylac.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Saylac, Sacad Daahir Cige ayaa Bar-kulan u sheegay in deeqda lacagta ah loogu talagalay in biyo loogu dhaamiyo dadweynaha deegaanka Morohda oo dhowr bilood ka hor uu guray ceel-biyoodkii ay ka cabbi jireen.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in isla maanta uu deegaanka Morohda gaaray riig ka socda dowladda Jabuuti, kaas oo qodi doona ceel-biyood cusub, si biyo ku filan loogu helo dadka iyo duunyada deegaankaasi.
Deegaannada ku teedsan xeebaha gobolka Awdal ayaa ku jira xilli aad u kulul oo ay dhacayaan dabeylo boor wata, inkasta oo deegaanno ka tirsan Lughaya ay roobab ka curteen.
RBK