Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Macdan baareyaal lagu xiray Awdal

$
0
0

BoramaAwdalpress(Borama) 15 July 13–Saddex nin oo u dhashay dalka Pakistaan oo la sheegay inay macdan baarayaal yihiin ayaa lagu xiray degmada Baki ee gobolka Awdal, waxaana loo heystaa eedeymo la xariira amniga iyo baaris macdan oo sharci-darro ah.

Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Baki Maxamed aw-Axmed Caateeye ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen saddexda nin oo ku sugnaa Buuraha degmada Baki, halkaasoo ay macdan ka baarayeen.

Wuxuu sheegay in ciidanka ay saddexda nin la qabtee nin Soomaali ah oo la socday, waxaana la tuhunsan yahay sida uu sheegay inay amniga dhibaato ku ahaayeen.

Saraakiisha ciidanka Police-ka ee gobolka Awdal ayaa sheegay in saddexda nin ay maanta u gudbiyeen magaalada Hargeysa, si halkaasi su’aalo loogu weydiiyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles