Awdalpress(Baydhabo) 15 July, 13–Ciidamada dowladda Ethiopia ayaa ka baxay fariisomo ay ku lahaayeen warshadda Xaseey iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka Baay Maxamed Isaaq ayaa Bar-kulan u sheegay in Ciidamada Ethiopia ee ka baxay Baydhaba ay fariisin ka sameysteen degmada Berdaale.
Wuxuu sheegay in qorshaha ciidanka Ethiopia uu yahay sidii ay u qaban lahaayeen deegaannada kooxda al-Shabaab ay kaga sugan tahay gobolka Baay.
Guddoomiyuhu wuxu sheegay in uu kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Ethiopia ayna ka wada hadleen xoojinta ammaanka iyo la dagaallanka al-Shabaab.
Ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ayaa la sheegay inay ku wareegeen goobaha ay faaruqiyeen ciidamada Ethiopia.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Ethiopia ay ugu baxeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
RBK