Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo,ayaa saaka oo jimce ah taariikhduna ay ku beegan tahay 11/9/2015 u duulay magaalada Kismaayo ee Jubbaland,waxaana Madaxweynaha Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda iyo qaar ka mid ah bulshadda ku dhaqan Gaalkacyo.
Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magaalada Kismaayo kaga qayb galaya Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.
Qabanqaabo balaaran oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa ka socota magaalada Kismaayo Jubbaland,waxaana Madaxweynuhu uu noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee Kismaayo ka daga,xilli Madaxda kale la filayo inay soo gaaraan maalmaha soo socda.
Jubbaland iyo Puntland ayaa ah laba Dawladood oo mataano ah,waxaana marka laga tago xiriirka Dawladnimo labada shacab ka dhexeeya walaalnimo iyo wada dhalasho.
Awdalpress.com
Rag Is Baray
↧
Is garabsiga beelaha daarood ay iska garabsanayaa beelaha hawiye oo soo badanaya
↧