Hargeisa (Awdalpress.com) Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeedda beesha Cabdiraxmaan Cirro ayaa hanjabaad culus ujeediyey Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Suldaan Mowliid Sabaysey oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in baashe uu burburinayo Somaliland aysan u dulqaadan doonin isagoo ugu hanjbeyey inay gacan wax kaga qaban doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Sharcigu haduu shaqayn waayo gacantaa shaqaynaysa waana la kala ciil baxayaa, aad baan uga xumahay in baashe oo Cali Khaliif uga soo cararay Buuhoodle oo deegaankiisii ah inuu doonayo inuu Berbera iyo Hargeysa dagaal ka rido”, ayuu yiri Suldaan Mowliid.
Wuxuu intaas ku daray in wixii ka dhacay golaha wakiiladda aysan u dulqaadan doonin isagoo sheegay in Baashe iyo dadka la socdaa aaminsan yihiin Soomaaliweyn.
Awdalpress.com
Rag Is Baray
↧
Muuqaal: Odayaasha Beesha Isaaq oo weerar ba’an kusoo qaaday Baashe
↧