Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shir lagu sanduleeyey Gurguurte oo ka socda magaalada Kismaayo.

$
0
0

Kismaayo-90x65
Madaxda Soomaalida ayaa maanta oo Axad ah uu shir uga furmay magaalada Kismaayo ee Jubbaland,waxaana shirka qabanqaabadiisa iyo martigelintiisa iska leh Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Shirka oo ay goob joog ka yihiin Beesha Caalamka ayaa looga hadlayaa hannanka loo marayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka,xilli xilhaynta Dawladda ay ka dhiman tahay muddo dhan1-sano.
Saxaafadda ayaa dibad joog ka ah shirka,waxaana la filayaa in marka laso afmeero laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan natiijada shirka.
Beesha Caalamka ayaa horay uso saartay Warsaxaafadeed ay uga dalbatay Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay Mawqif Midaysan ka qaataan hannaanka ay u dhacayso Doorashadda Madaxnimada Soomaaliya sanadka 2016-ka.
Hawlwadeenada Warsidaha Awdalpress.com ayaa si dhow ula socda shirka,waxaana idiin soo gudbin doona hadba wixii kaso kordha haddu EEBE idmo.
Rag Is Baray
Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles