Awdalpress(Kismayo) 13 sep. 2015–Dowladda Mareykanka ayaa soo dhowaysay ku dhawaaqistii Khamiistii la soo dhaafay uu sameeyay madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ee ahayd inuu ballaarinayo baarlamaanka Jubba, isagoo ku daraya toban xubnood oo dheeraad ah.
Dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah ku sheegtay inay ammaaneyso dadaallada ay wadaan madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid ee ay ku doonayaan inay ku xalliyaan cabashooyinka la xiriiray dhismaha baarlamaanka Jubba.
Mareykanka ayaa sidoo kale soo dhoweeyay kulanka wada-tashiga ah ee ay madaxda Soomaalida maanta ku yeelanayaan magaalada Kismaayo, isagoo dhiirrigeliyay sii wadidda horumarka dhismaha hannaan doorasho ka hor intuusan dhammaan sanadkan kaas oo loo qorsheynayo sanadka 2016.
Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerada hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya.
Rbk
↧
Mareykanka oo soo dhoweeyay ballaarinta baarlamaan-goboleedka Jubba
↧