Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Khabiir miino-baaris oo u dhashay Sweden oo ku dhaawacmay Soomaaliya

$
0
0

imageAwdalpress(Muqdisho) 13 sep. 2015-Khadiir miino-baaris oo u dhashay dalka Sweden ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Expressen ee ka soo baxa dalka Sweden.
Ninka ayaa la sheegay inuu ku safrayay gaadiid gaashaaman markii ay miinada ku qaraxday Arbacadii la soo dhaafay.
Danjiraha Sweden u fadhiya Muqdisho ayaa isbitaalka kula kulmay ninka dhaawacmay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden, oo ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso baaxadda dhaawaciisa.
Xaaska ninka dhaawacmay ee Swedish-ka ah ayaa xaqiijisay in seygeeda uu la shaqeynayay Qaramada Midoobay, uuna safar shaqo ku joogay Soomaaliya.
RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles