Awdalpress(Dilla) 13 sep. 2015– roobab xoogan oo shalay iyo maalmahan ka da’ayay deegaanada degmada Dilla ee gobolka Awdal ayaa daadadkii roobab kaasi keeneen waxay sababeen in ay jabiyaan baliyadii iyo biyo xidheeno ku yaalay agagaarka magaalada.
Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Dilla ayaa u sheegay shabakada awdalpress in roobabku ay sababeen in magaalada daadad xoogani ku soo fatahaan oo guryaha u dhaw dooxa ay soo gaadheen daadku, balse khasaaruhu kooban yahay oo Balayada qaarkood jabeen ka bacdina biyihii u soo fataheen dhanka xaafadaha magaalada qaar, ma jiraan khasaare naf iyo MAAL ah oo dadka deegaanka soo gaadhay..
Awdalpress
↧
Roobab xoogan oo ka da’ay degmada Dilla oo khasaare gaadhsiiyay Balayada magaalada + Sawiro
↧