Awdalpress(Hargaysa) 14 sep. 2015-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland ayaa ugu baaqay guddoonka golaha wakiillada ee Sabtidii ku dhex-dagaallamay fadhi ay baarlamaanku lahaayeen in ay iska casilaan xilka.
Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), iyo ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax ay ku guuldareysteen in ay hab maamuus wanaagsan u hagaan golaha, sidaa daraateed labaduba ay la gudboon tahay in ay xilka baneeyaan.
Wuxuu sheegay in dirirtoodu ay salka ku heyso arrimo siyaasadeed, oo labada mas’uulba ay doonayaan in ay xilal kale ka qabtaan maamulka Somaliland.
Gacan qaadka dhexmaray guddoomiyaha golaha wakiillada, iyo ku xigeenkiisa ayaa yimid iyadoo baarlamaanka ay ka doodayeen mooshin lagu dalbanayo in madaxweynaha Somaliland uu shirkado gaar ah ku wareejin karo haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.
RBK
↧
Faysal Cali Waraabe: Cirro iyo Baashe ha iska casilaan guddoonka Baarlamaanka
↧