Awdalpress(Tehran) 17 may, 13–Golaha Korjoogayaasha (The Guardian Council) ee dalkaasi Iran ayaa diiday in ay aqbalaan musharaxiinta haweenka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha dalkaasi Iran.
Bisha soo socota ee June 14keeda ayaa lagu wadaa in dalka Iran ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamuud Axmedinajad ayaa xilka ka dhamaanayaa kadib markii uu labo goor xilkaasi qabtay, waxaana hada tartanka musharaxnimada Madaxweynaha dalkaasi isu soo taagay Musharaxiin gaareysa 686 musharax Madaxweyne.
Musharaxiintan ayaa waxaa kamid ah siyaasiyiin caan ah oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee dalkaasi Akbar Hashim Ramsamjani iyo siyaasiyiin cusub. Waxaa sidoo kale kamid ah ragga tartamaya Wasiirki hore ee Arrimaha dibada Ali Akbar Velayati iyo duqii magaalada Tehraan.
Waxaa sidoo kale xilka Madaxweynaha isu soo taagay 30 haween ah, balse Golaha Korjoogayaasha ee dalkaasi Iran oo iyagu ansixinaya dadka xilka Madaxweynaha isu taagi kara ayaa meesha ka saaray inay aqbali doonaan musharaxiinta haweenka ah, iyagoo sheegay in sharciga dalkaasi u yaal uusan u baneenayn in haweenka aysan qaban Karin xafiiska Siyaasada ee ugu sareeya wadanka Iran.
Dhanka kalana Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku tagay dalka Ruushka si uu ugala hadlo wadankaasi sidii wax looga qaban lahaa dagaalka ka socda dalka Siiriya.
Ban Ki Moon ayaa ka codsaday madaxda dowlada Ruushka inay kaalin weyn ka ciyaaraan sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka wadanka siiriya ka socda, xili dowlada Ruushka ay sheegtay inaysan marnaba joojin doonin xiriirka ay la leedahay xukuumada Bashaar Al Assad.
Booqashada Ban Ki Moon ayaa qeyb ka ah dadaalada Beesha Caalamka ugu jirto in dalka Ruushka laga dhaadhiciyo inuu hakiyo taageerada hubka iyo siyaasada ee uu ku difaacayo Dowlada Siiriya.
Ruushka ayaa horjoogsaday qaraaro badan oo ka dhan ah dowlada Siiriya oo lasoo hordhigay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana lagu wadaa dhawaan in Ruushka uu hub cusub ka iibiyo xukuumada Bashaar Al Assad oo muddo 2 sano ah dagaal kula jirta shacabkeeda.
Star