Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Kenya oo doonaysa in la kordhiyo tirada AMISOM iyo Xaaladda Jubbooyinka oo AMISOM ka Hadashay

$
0
0

AmisomAwdalpress- 17 May, 13–Dowlada dalka kenya ayaa doonaysa in la kordhiyo tirada ciidamada nababad ilaalinta Midowga afrika Amisom ee ka howlgala dalka soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka kenya Wilyam rutto oo kulan la yeeshay Madaxweyniyaasha Congo Baraazaviil iyo Gabon ayaa waxaa uu ku baaqay in tirada AMISOM  la kordhiyo si nabad logu soo dabaalo soomaaliya.

Mr rutto ayaa carabka ku adkeeyay in xasilooni darada  soomaaliya ay cadaadis dhanka amaanka ku tahay Kenya .

waxaa uu sheegay in xasiloonidarada Soomaaliya culayska ay kenya ku hayso ay kamid tahay tirada badan ee qoxootiga Soomaalida ee Kenya Jooga iyo qatarta kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Gabon iyo Cono barazavil ayaa dhankooda muujiyay baahida lo qabo nabad lagu soo dabaalo soomaaliya.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo Qayb ka ah  Amisom oo dagaal kula jira dagaalyahnada Alshabaab ee soomaaliya.

Dhanka kalana Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamullada iska soo horjeeda ee laga dhisay Kismaayo.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Somalia.
Afhayeenka AMISOM, wuxuu kaloo sheegay inay si dhow isha ugu hayaan arrimaha ka taagan Kismaayo oo haddii ay dhacdo in dhibaato halkaasi ka dhalato ay ciidanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhex-gasho si khilifaaka loo joojiyo.
Falastin Axmed Iman ayaa Afhayeenku uga warramay aragtida AMISOM ee ku aadan Kismaayo. Jawaabta Korneylka halkan hoose ka dhageyso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles