Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gadiidka dabdamiska ee Magaalada Borama waxay noqon doonaan kuwo Todobaadkan wixii ka dambeeya shaqadii loogu talogalay qaban doona.. T/xigeen Qaasim Maxamed

$
0
0

imageAwdalpress(Borama) 18 sep. 2015– Taliye kuxigeenka ciidanka dabdamiska ee Somaliland Qaasim Maxamed Cabdi ayaa u sheegay shabakada awdalpress in gaadiidka dabdamiska ee magaalada Boorama iyo ciidanka dabdamiska ee loo tababaray hawlaha la dagaalanka dabku ay Todobaadkan wixii ka dambeeya si fiican uga hawlgali doonaan degmada Borama.

imageTaliye xigeenku wuxuu intaas raaciyay in laba baabuur oo dhawaan gudidii dabdamiska magaalada Borama ku wareejiyeen maamulka gobolka iyo Anaga oo ah taliska ciidanka dabdamiska aan baabuurtaasi qalabkii iyo waxyaabihii ka dhinaa aan ugu soo samaynay Hargaysa, isla markaana tababar ku siinay qaar ka mid ah shaqaalaha gadiidkaasi, arintaasi oo dhaqaalaha ku baxayay ay bixisay xukuumada Somaliland.
image
Mr. Qaasim wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay sidoo kale dhisayso Hoosadii gaadiidka iyo ciidanka kana dhisayaan magaalada, waana talaabo haboon in gaadiidkan oo dhawr sano iska yaalay ay maanta noqdaan qaar hawlihii loogu talogalay si fiican u fulin doona, insha alaahna gobolka iyo guud ahaan Somaliland magaalooyinka waaweyn si fiican uu uga hirgeli doono shaqada ciidamada dabdamiska, taas oo noqon doonta arin fiican oo M/weyne Axmed Siilaanyo uu kaga jawaabayo baahida loo qabay in la helo ciidan dabdamis oo nidaamkii iyo qalabkii uu ku shaqaynayay leh oo ciidan dawladeed ah ayuu yidhi taliye xigeenka dabdamiska Somaliland Qaasim Maxamed Cabdi..
Awdalpress

The post Gadiidka dabdamiska ee Magaalada Borama waxay noqon doonaan kuwo Todobaadkan wixii ka dambeeya shaqadii loogu talogalay qaban doona.. T/xigeen Qaasim Maxamed appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles