Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Daawo Warbixinta Telefishanka Al-Jazeera uu ka diyaariyay dagaalka Dawladda Puntland ay kula jirto Shabaab.

$
0
0

Daawo Warbixinta Telefishanka Al-Jazeera uu ka diyaariyay dagaalka Dawladda Puntland ay kula jirto Shabaab.

shabaabb

Wariyaha talefishinka Aljaseeera Maxamed Adow ayaa warbixin ka sameeyay deegaanka Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo maleyshiyada Alshabaab lagala wareegay bishii november ee sanadkii hore.
Deegaanka Galgala oo ahayd meel istiraatiiji ah ayaa waxaa dib ugusoo noqday dadkii degenaa ee ay horey uga barakaciyeen kooxda Alshabaab.
Haweenay kamid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Aljazeera inay nolashooda dib ugasoo kabatay dhibaatadii Alshabaab ugeysteen deegaanka islamarkaana haatan carruurtooda ay fursad u heleen inay waxbarashada u dareeraan ayna dib u hanteen guryahoodii iyo beerahoodii.
Madaxweynaha dowladda Puntland oo warysi siiyay wariyaha Aljaseera ayaa sheegay inay kaligood ku yihiin dagaalka Alshabaab islamarkaana ay cadaalad darro tahay marka loo eego dhaqaalaha lagu bixiyo dagaalka Alshabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay beesha caalamka inaysan wax taageero ah ka helin, xilli Puntland uu marin cusub uga furmay dalka Yemen, halkaas oo ay kasoo wajihi karto qatarta argigixisada jasiirada carabta ee fadhigeedu yahay Yemen.

Awdalpress.com
BY Muuye

The post Daawo Warbixinta Telefishanka Al-Jazeera uu ka diyaariyay dagaalka Dawladda Puntland ay kula jirto Shabaab. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles