Hargaysa:(Awdalpress.com)-Waxa goor dhaweyd lagu soo gaba gabeeyay Qasiriga Madaxtooyada Somaliland Shir Jaraa’id oo lagu shaacinayay Xilliga la qabanayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxana laysku raacay in 10/11/2015-ka uu Magaalada Hargaysa ka qabsoomi doono Shirkii la sugeyey ee golaha dhexe ee xisbiga talada dalka Somaliland haystaa uu ku ansixin lahaa musharrixiinta xisbiga iyo guddoomiya xisbiga lagu ogaan doono. Laakiin lama bixin tafaasiil dheeri ah oo arrintaa fasiraysa,balse waxa la sheegayaa inay jiraan siyaasiyiin loolan iyo hirdan adagi uu ka dhex istaadhmay. Dhinacyada tartanku ka dhexeeyo oo iskugu jira Kornaylada hor-joogayaasha ka ah xisbiga iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Xogo-hoose,ayaa sidoo kale sheegaya in aanay wali muuqan tartan muuqda oo loogu jiro Jagada Madaxweyne Ku-Xigeenka,iyada oo la filayo inuu booskaas sii haysto Madaxweyne Ku-xigeenka haatan ee Cabdiraxmaan Saylici. Loolanka ugu adag ayaa waxa uu ka taagan yahay Musharaxa Jagada Madaxweynenimo iyo Guddoonka Xisbiga Majaraha u hayn doona Shanta sano ee soo socota
Awdalpress.com
Rag is Baray
The post Daawo: Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la muddeeyay Iyo loollanka dhinacyada is-haya Oo dib-u-istaadhmay appeared first on Awdalpress.com.