Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Halkay Ku Dambeeyeen Masuuliyiintii Xukuumada Kaga Jiray Deegaanada Boorama,Baki iyo Magaalo-Cad?

$
0
0

IMG_2519FAALO: Masuuliyiinta xukuumada kaga jira bulshada  degtaa Bariga Boorama,Baki,Dilla iyo Magaalo-Cad ayaa noqotay masuuliyiint ugu waxqabadka yaraa  ee Soo Mara Deegaanadaaasi.

Masuuliyintani ayaa inta badan deegaanadaasi soo Arka kaliya marka weftiyada  madaxweynaha ama ku xigeenkiisu ay  Socdaalada ku marayaan deegaanadaasi qaarkood .

Sida ay noo xaqiiyeeen mar ay shabakada wararka ee Awdalpress Booqatay deegaanadaasi shacabku ayaa waxay sheegeen in xaalada caafimaad ,waxbarasho iyo nolol ee deegaanadaasi ay aad uga hoosayso deegaanada kale isla markaasina aan wax mashaariic ah oo laga hirgaliyey aanay jirin .

Dadweynaha ku nool  deegaanadaasi waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u direen qaar ka mid ah qurbojoogta deegaanadaasi oo ay sheegeen in ay soo xasuustaan isla markaasina ka qayb qaataan  buuxinta baahiyaha ka jira deegaanadaasi .

Si kastaba ahaatee masuuliyiintii deeganadaasi laga doortay iyo kuwa ka jira xukuumada dhexe ayaa inta badan wakhtigooda ku qaata caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaasi oo aan kuur galin xaalada ay ku nool yihiin shacabka ay matalaan isla markaasina Socdaalo gaar ah aan ku soo gaadhin deegaanadaasi

maalmaha soo socoda waxaan idiin soo gudbin doonaan muuqaalka warbixin aanu idinka soo diyaarinaya deegaanadaasi iyo shacabka ku nool .

Awdalpress-Boorama

Rag Is Barey

 

The post Halkay Ku Dambeeyeen Masuuliyiintii Xukuumada Kaga Jiray Deegaanada Boorama,Baki iyo Magaalo-Cad? appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles