Washington(Awdalpress.com) Afhayeenka aqalka hoose ee Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga John Boehner ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka iska casili doono dabayaaqada bisha October ee oo soo socota, is-casilaaddiisa ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto muran dabo-dheeraaday oo ka jira aqalka hoose wakiillada.
John Boehner oo laga soo doortay gobolka Ohio oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in markii horaba uu doonayey in xilka afhayeenka uu banneeyo dabo-yaaqada sannadkan, kaddib markii xubno badan oo ay isku xisbi yihiin ay wax badan isku fahmi waayeen.
John Boehner ayaa sheegay in shaqadda ugu horraysa ee afhayeenka laga rabo ay tahay illaalinta hay’adda dhammaan la wada jecelyahay ,isagoo sheegay in aanay arrintu isaga khusayn balse ay tahay mid ku saabsan shacabka iyo hay’adda.
John Boehner ayaa ah wakiilka gobolka Ohio ee dalka Mareykanka tan iyo 1990-kii isagoo culeys badan uu ka soo wajahay xubnaha xag-jirka ah ee xisbiga jamhuuriga oo ay jiraan arrimo badan oo ay isku fahmiwaayeen
Awdalpress.com
Rag Is Barey
The post Afhayeenkii Aqalka Hoose Ee Maraykanka John Boehner Oo Iscasiley iyo sobobta uu isku casiley appeared first on Awdalpress.com.