Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Socdaalkaygii Hargeysa iyo waaqaca dhabta ah ee ay dadku ku nool yihiin. ( Qaybtii Kowaad)

$
0
0

Arbacadii ay bishani July ahayd 17 ee sannadka 2013ka ayey ahayd markii aan gaadhi kuwa raaxada ah ka soo raacay magaalada Borama, waxanan soo baxnay wakhti kulayl ah laakiin ku dhaw 11kii subaxnimo.

Kaddib markii aan soo gaadhnay kantaroolka magaalada looga baxo dhinaca Hargeysa amma Dilla ayaan isku diyaarinnay in uu noo bilowday socdaalkayagii aan ku tegeynay Hargeysa. Intayadii gaadhiga wada saarnayd oo tiro ahaan ahayd shan qof ayaa sii falanqaynay xaaladda dhulka, magaalada aan ku soconno, jidka aan sii marayno iyo sida uu dhulku u eg yahay.

Sheekadayadii waxa ay noo soo gaabisay jidka aadka u liita ee ka bilowda Goraya Cawl illaa iyo shirwac lagu baabay, oo weli dhismihii ka socdo. Haddana mar kale ayaan jid ka sii liita kula kulannay inta u dhaxaysa Dilla iyo Kalabaydh. Intii aan jidkaa sii maraynayna waxan halkii ka sii wadnayn xasuuso waaya waayo iyo sheekooyin naxdin iyo farxad leh.

Muuqaalka dadka iyo guryaha ay galaan dadka aan arkaynay ayaa ahaa kuwo isku mid ah, beeraha iyo xoolaha aan arkaynayna wax farqiya may lahayn. Ugu dambeyn markii aan gaadhnay Kala Baydh ayaan is weydiinnay tuulada aan gallay, markii la ii sheegay in ay Kala Baydh tahayna waan qaadan waayey, saa waxan arkay magaalo ka sii liidata Dilla oo wada dunsan, dad badanina  aanu jooginba.

Meel waabab ah iyo sandaqado ayaa farta la iigu fiiqay, iyada oo la ii tilmaamayo Makhaayadihii aan waayo hore ku aqaannay, ee gawaadhida safarka siddaa ay ku nasin jirtay rakaabka.

Wax yar kaddib, waan gudubnay waxanan mar kale isa soo dhex taagnay magaalo sandaqado iyo guryo dhagax ahba aad ku arkayso, waxana la ii sheegay in ay magaalada aan dhex joognaa ay Gebilay tahay, iyana waan liqi kari waayey, waayo waxan filayey magaalo la mid ah Borama. Markii la arkay in aan rumaysan waayeyna waxa uu dirawalkii ii sheegay in ay indhahaygu ku raaxaysan doonaan Hargeysa, dadka wax haystaana ay magaaladaa caasimadda ah isugu tegeen oo ay dhisteen, laakiin Gebilay ay noqotay magaalo dad qodaal ahi joogaan, suuqeeduna uu yahay inta ka dhex ah labada sakadood ee jidku dhex maro.

Hase yeeshee markii aan dhaqaaqnay ayaa ishaydu qabatay dhismayaal guryo oo teel teel ah, isla markaana aan si fiican loo Plan garayn, oo is qabsaday illaa iyo buuraha. Markii aan haddana ka fajacay qaab darridan magaalada ka muuqatana, waxa la ii sheegay in aanay magaaladu lahayn amma aanu weli soo marin maamul si fiican uga shaqeeya nidaamka magaalada. Isla markaana ay dadka degaanku ku xun yihiin dhulka, oo ay is qab qabsigoodu badan yahay. Qof walbaana uu dhisto meesha uu doono amma ay lacagtiisu u gaadhi karto.

Arabsiyo ayaan haddana ku soo dhacnay, waxanan dirawalkii ka codsaday in aan bal magaaladan ku weecanno, yara daa daawanno, waxanan kala kulanay dhismayaal dunsan, kuwo qabya ah, sandaqado iyo kuwo qurxoon oo fara ku tiris ah. Dad badanina magaalada may dhex socon, oo waxa ay ahayd wakhti duhur ah oo weliba Soon ah. Balse dirawalku waxa uu ii sheegay in ay magaaladani saldhig u tahay Khudradda, waxanan arkayey gabdho gawaadhida ku xoonsan oo iibinaya Khudrado kala geddisan, oo ay ka mid yihiin Liin, Saytuun iyo iwm.

Abaarso oo laba waab ah masaajidna leh ayaan ku yara nasannay, kaddib markii aan ka soo baxnayna waxa nagu dhacay shil sahlan, oo waxa noo baxay taayirka gaadhiga ee dambe, nasiib wanaagse waxba maannaan noqon, oo gaadhiga ayaa si tartiib ah u socday.

La soco qaybta dambe iyo sawirrada oo la socda.

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles