Golahalaha Cusub Ee Hargaysa Lagaga dhawaaqay Ma Badbaado Qaranbaa Mise Waa Mid Qabiil?
Waxa bishan gudeheeda lagaga dhawaaqay Magaalada Hargaysa, Gole loogu magic daray “ Golaha Wadatashiga Iyo Badbaadada Qaranka” , kaasoo ay isku baahaysteen , siyaasiyiin kasoo jeeda magaalooyinka Burco, Hargaysa Iyo inta u dhaxaysa, kuwaasoo ku andocoonaya inay badbaado ugu jiraan maamulka Somalialand. Hadaba Golahani ma bad baado qaranbaa mise waa mid qabiil? In taynaan Su’aashaa jawaabteeda u guda galin, bal aan wax yar ka taabano sooyaalka taariikheed ee Somalialnd. Somalilanta cusub waxay ka bilaabatay shirkii Burco ee 1991kii, kaas oo ay iskugu yimaadeen dhamaan beelaha degan Somaliland (Sool, Sanaag,Togdheer, W.Galbeed iyo Awdal). Hadaba waxa shirkaa kasoo baxay dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen,
(1) In nabad- galiyada iyo is dhax marka mudnaanta koobaad la siiyo.
(2) In la samaysto Maamul loo wada dhanyahay.
Sida aynu la socono nabad galiyada Somaliland waxa soo gaaray dhaawac wayn oo ay abuureen maamuladii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland, kuwaasi oo aanan meel marin heshiisyadii beelaha iyo bulshada Somalialnd ay hore u galeen, ayna ka markhaati tahay dhibaatooyinka is xigay ee ka dhacay deegaamada Galbeedka iyo kuwa Bariga ee Somaliland, kuwaas oo ilaa hada aanan la xalin, sida Seemaal, Ceel Bardaale, Caada, Kalshaale, iyo Laascaanood. Dhinaca maamul wadaaga ama Saami qaybsigu, wuxu noqoday qodob gabi ahaanba bur buray oo anan jirin, kadib markii beel kamida beelihii heshiiska ku jiray ay isku koobtay saamigii dawladnimo ee bulshada ka wada dhexeeyey, taasoo noqotay caqabada ugu wayn ee Somaliland hor taagan haday tahay arimaha gudaha iyo siyaasada arimaha dibadaba.
Hadaba golahan cusub ee labaxay Wada Tashiga iyo Badbaada Qaranka oo lagu tuhmayo kana muuqato nidaam beeleed oo ku kooban deegamada Hargeisa, Burco iyo inta udhaxaysa , raga ku jiraa kaalin intee leeg bay ku lahaayeen qala-laasaha siyaasadeed ee horay u soo maray Somaliland?. Xubnaha ku midoobay golahan marnaba kuma baaqin wada tashi qaran , markii qodobka Saami qaybisga beel kaliyi sadbursatay islamarkana lajabiyay qodabkii nabad galyada , kuwaasoo ilaa manta khatar ku ah jiritaanka Somaliland, una baahan in Gurmad Qaran Laga galo, halka rag badan oo kamid ah golahan ismagacabay, ay ka soo yeedhay hadalo ku fadhiya cunsuriyad iyo nacayb bulsho. Tusaale ahaan : Xasan Ciise oo ahaa Gudoomiyahii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii G. Deegaanka S/land, waxa uu ku talaabsaday siyaasad xumo ku salaysan beelaysi iyo isku dirka beelaha wada degan Gobalka Salal, kadib markii uu si badheedh ah uu Ururkisii uga soo sharaxay 17 xubnood oo hal beel ka soo wada jeeda, akhirkiina sababtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadha bulshada deegaankaas. Intaas oo kaliya kuma daysan, waxa uu si badheedha Idaacadaha iyo Tv-yada ugu baahiyey hadalo deel qaaf ku ah beelaha deegaankaas oo ku fadhiya mabda’ii SNM-ta iyo cunsuriyado bulshadu ka soo gudubtay. Sidoo kale Maxamed Xaashi oo isna ka mid ah , Golahaas , waxa lagu xasuustaa sidii qayaxnayd ee uu ugu takri falay awoodii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulka hada uu dhaliilsanyahay ee uu Hogaaminayo Axmed Silanyo. Isaga oo si beelaysan uga sifeeyey W. Maaliyada shaqaalihii kasoo jeeday deegamada Galbeedka ee Somaliland , kuna badalay kuwo isaga hayb ahaan -isku dhawyihiin.
Waxa iyana aan meesha ka maqnayn qaladaadka Xukuumada Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo danta guud ee Bulshada ka hor mariyey mida qabiil, taas oo ay markhaati ka tahay siyaasad xumadii ay ku fara-galiyeen go’aamadii Komishanka doorashooyinka ee Degmada Saylac, ayna si badheedha isku hor taageen, dhaarinta xildhibaanadii kasoo baxay Saylac, iyo sida qabiilaysan ee ay u maamusho heshiisyada Caalamiga ah, oo ku kaliyaysteen beel kaliya.
Guntii iyo gaba gabadii, Xukuumada Somaliland iyo Golahan cusub waxay labadooduba bad baado u yihiin dan beeleed oo iyaga ka dhaxaysa, taasoo anay la wadaagin beelaha Galbeedka iyo Barigu. Waxanan ku baaqaynaa in ayna bulshada galbeedku ku dhex milmin siyaasada beelaysan ee nimankaasi maleegayaan, taasoo la huwinayo shaadh qaran iyo mid siyaasadeed. Waxanan ku borinaynaa Bulshada Galbeedka Somaliland in ay fiiro gaara u lahaadaan isla markaana si aragti dheer u darsaan arimaha la wada leeyahay iyo kuwa la kala leeyahay.
Afhayeenka Garabka Siyaasada ee Ururka Adal Students Association Ee Dalka Pakistan
Abdullahi Haji Da,ud Warsame
Mrqaaf@hotmail.com