Awdalpress(Muqdisho) 19 july 13–Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa anisixiyay heshiiska tababarka ciidamada ee dowladda Soomaaliya ay la gashay Turkiga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in heshiiska ciidanka ee Turkey ay ansixiyeen, kaddib markii ay u codeeyeen 170 xildhibaan, halka 14 ay diiddeen, saddexna ay ka aamuseen.
Kulanka Baarlamanka waxaa soo xaadiray 184 xildhibaan, waxaana goobjoog ka ahaa wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Dheere.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis lagu tababarayo ciidanka qaranka la gashay dalka Turkey, waxaana la filayaa inuu dhowaan dhaqan-galo.
RBL




