Awdalpress(Kampala) 19 july, 13–Labada dowladood ee deriska ah Congada Dimoqraadiga ah iyo Ugandha ayaa markii ugu horeysay shaaciyey in kooxda falaagada ah ee ADF oo ka dagaalanta xadka labada dal ay keensatay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gacan siinaya.
Saraakiisha dowladaha Congada Dimoqraadiga ah iyo Ugandha ayaa sheegay in hogaamiyaha Jabhadaas uu dhowaan soo islaamay, uuna doonayo inuu labada dal ka hirgeliyo xukunka shareecada Islaamka.
Ciidamada Jabhadan ayaa dagaal qaraar la galay ciidamada dowlada Congo kaasoo ka dhacay magaalada lagu magacaabo Kamaka oo ku dhow xadka ay la wadaagto Ugandha.
Jabhada ADF oo la aasaasay sanadkii 2005-tii ayaa waxay leedahay maleeshiyooyin hubeysan oo tiradooda lagu qiyaaso illaa 1,300 oo nin.
Labada dowladood ayaa sheegay in kooxdan ay dhowaan Somalia ka keensatay 100 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo isugu jira dagaalyahano iyo tababarayaal, waxaana dowlada Congo ay xustay in dagaalkii ka dhacay magaalada Kamaka ay ka qeyb galeen Al-Shabaabka Somalia laga keenay, waxayna labada dowladood xuseen in Jabhada ADF ay u aqoonsan doonaan koox argagaxiso ah.
Ma jiro war ku saabsan arintan oo ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ee dalka Somalia iyo Jabhada ADF oo ah koox falaago ah oo ka dagaalanta xadka dalalka Congo iyo Ugandha.
Ugandha iyo Congo ADF xadka labada dal xiriir vla leedahay Al-shabaab dagaal la gashay ciidamada Congo kamaka xadka labada hogaamiyaha jabhada oo islamay goor dhow uu doonayo inuu shareecada