Awdalpress(Hargaysa) 21 July 13–Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland C/salaan Maxamed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in waftigii Wasiiradda ahaa ee uu hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami inay maleegeen fashilaadii ku dhacday doorashadii golayaasha deegaanka ee Maamulka Puntland uu damacsanaa inuu ka qabto deegaanada ay maamulaan, kaas oo sheegay in Olol baaxad leh oo doorashadaas ka dhan ah oo ay ka sameeyeen bariga Sanaag in Faroole oo qorshaynayey inuu gobolka uu ka soo jeedo ee Nugaal iyo gobolada Badhan, Dhahar iyo Laasqoray oo kaliya inuu doorashada ka qabto ay khasab ku noqotay inuu gabi ahaanba joojiyo maadaama deegaamada kale ee Puntland uu kala kulmay Mucaaridada balaadhan oo ka dhan ah xukuumadiisa. Wasiir ku xigeenka Macdanta C/salaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf ugu waramayey khadka telefoonka isaga oo ku sugan Hargeysa oo ay shalay ku soo guryo noqdeen waftigii Wasiiradda ahaa ee tagay bariga Sanaag, kaas oo sidoo kale isbedelka ku yimid bulshadda deegaanadaas oo uu markii hore saamayn ku lahaa Maamulka Faroole ku sifeeyey inay quluubtooda soo jiidatey gogashii Nabada ee uu hore Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu fidiyey bulshadda bariga Somaliland. Ugu horaynsa isaga oo Waraysigan kaga hadlay arimo badan ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaamay isaga oo ka hadlaya halkii ay waftigoodii hawsha bariga Sanaag ay u tageen ka bilaabeen, waxaanu yidhi “Sagaalkii bishan ayaanu ka amba-baxnay Magaaladda Hargeysa ee xarunta dalka anaga oo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami, waxaanu qorshahaygu ahaa oo aanu u soconay gobolka Sanaag gaar ahaan Magaaladda Badhan ee Sanaag bari, ujeedada socdaalkayaguna waxay ahayd inaanu ka hortagno oo aanu horjoogsano isku dayo Maamulka Puntland ku doonayey inay deegaanadda bariga Somaliland ee Sanaag bari ay doorashooyin ka qabtaan, waxaanu Maamulkaasi hungureeyey deegaanadda Badhan, Dhahar iyo Laas-qoray oo ay Sanaaduuq keeneen markaa sida aan sheegay difaaca qadiyadaas ayaanu halkaas u tagnay, waxaananu ka bilawnay Magaalo Madaxda gobolkaas ee Ceerigaabo oo si fiican naloogu soo dhaweeyey, bulshadii, waxgaradkii iyo Maamulkii gobolkaba waanu u sheegnay arinta aanu u socono runtiina taageero wayn ayey noo muujiyeen. Markii aanu halkaas ka ambabaxnay waxaanu tagnay Magaaladda Hadaaftimo oo ah Magaalo wayn oo runtii bulsho badan oo waxgarad ahi ay ku dhaqan tahay, shacbiga deegaankaasina waxaanu uga waramay arimaha jira oo waxaanu u bandhignay inay si cad uga horjeedsadaan isku dayga uu Maamulka Faroole ka wado deegaanadooda, run ahaantii si fiican ayey nooga aqbaleen, isla markaan noo tuseen balantii ay naga qaadeen oo qaydhiin oo cad. Markii aanu halkaas sii dhaafnayna waxaanu tagnay Magaalo Madaxda gobolka Badhan ee Badhan oo ah Magaaladda ugu wayn deegaanadda bariga Sanaag, run ahaantiina halkaas si wayn ayaa naloogu soo dhaweeyey oo waxaanu kala kulanay soo dhawayn ka wayn tii hore, Badhana waxaanu joognay mudo badan oo ilaa shan maalmood ayaanu ku sugnayn, waxaananu bulshadda qaybaheeda kala duwan kala hadalnay qadiyada aanu u socono iyo mihiimadda ay bulshadda deegaanka u leedahay inay difaacdaan jiritaankooda oo ay diidaan isku dayga uu Maamulka Goboleedka Puntland ka wado deegaanadooda”. C/salaan Maxamed Xasan isaga hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Mudadii aanu ku sugnayn deegaanadaas waxaanu abaabul wayn ku samaynay Ciidamadda Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka Amniga ee ku sugan Jiidahaas, nasiib wanaag bulshadii iyo dadkii waxgaradka ahaa ee halkaas ku noolaa waxay nala qaateen baaqayagii iyo arimihii aanu ula tagnay, waxaana halkaas si cad loogu gubay Sanaaduuqdii doorashooyinka ay ugu talo galeen ee ay keeneen deegaamo ka tirsan Somaliland, shirar badan oo aanu wada galnay anaga iyo waxgaradkii deegaanka bariga Sanaag waxay shaaciyeen oo Caalamka u sheegeen in dhulkaasi uu yahay dhul Somaliland ah oo aanay suurta gal ahayn in doorashooyinka Puntland ay ka qabsoomaan. Markaa sidaas ayaanu qorshahaas oo ahaa mid wayn oo runtii Miisaankiisa leh aanu ugu guulaysanay oo aanu ugala soo noqonay guul wax ku ool ah”. Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha Somaliland C/salaan Maxamed Xasan mar uu ka hadlayey doorrka ay Fashilaadii doorashooyinka deegaanka ee Puntland ay ku lahaayeen Waftigoodii Wasiiradda ahaa ee ku sugnaa deegaanada bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Run ahaantii waxaanu isleenahay culayskii aanu saarnay waftigayagii arinta doorashadda Puntland ee ay damacsanaayeen inay deegaanadaas Somaliland ka tirsan ay kaga hirgaliyaan ayaa sababta ugu wayn lahaa oo soo dadajiyey inay fashilmaan oo uu joojiyo doorashooyinkaasi. Waxaanu Faroole ku hamiyey in gobolada bariga Sanaag iyo gobolka Nugaal ee uu isagu dhalasho ahaan ka soo jeedo ayuu aad ugu tashanayey inay ka qabsoomaan doorashooyinkaasi maadaama gobolada kale ee Puntland ay mucaarid badani kaga kacsan yihiin oo isaga diidan oo aanay u suurta galaynin inay ka qabsoomaan doorashooyinkiisu. Waxaana waftigayagaas noo suurga galay inaanu kala wareegno Rayul-caamkii bulshadda deegaanadda bariga Sanaag oo uu markii hore been ku xod-xodan jiray, waxaanan xasuustaa in markii uu ka warhelay xaaladda bariga Sanaag ka taagan ee uu ogaaday inaanu ku suganahay ayuu quus ka muujiyey oo uu Sanaaduuqdii uu ugu talagay halkaas uu u raray Magaalooyinka kale ee Puntland inay ka qabsoomaan oo uu Sanaaduuqdaas geeyey Gaalkacyo iyo Qardho iyo meelo kale oo uu isku dayey inuu doorasho ka sameeyo, markaas ayaa Sanaaduuqdii uu Qardho ku sii waday ay dagaal iyo rabshado ka dhasheen oo uu aakhirkiina go’aansaday inuu joojiyo gabi ahaanba doorashooyinkaas”. Mar wax laga waydiiyey Wasiirka sababta wakhtigan soo dadajisay in Sanaaduuqda doorashadda ee Maamulka Puntland halkaas lagu gubo, iyada oo la ogaa in wakhtiyadii hore uu Maamulka Faroole uu saamayn ku lahaa bulshadda deegaanadda bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Xaqiiqadu waxay tahay in bulshadu iyadu ay go’aankaas saxda ah qaadatey oo aanay cidina ku khasbin, waana shacbi og in deegaanka iyo dadkuba uu yahay Somaliland, mida kale waxaan filayaa Siyaasadda furfuran ee xukuumaddan iyo gogashii nabadda ee uu Madaxwayne Siilaanyo hore ugu fidiyey bulshadda deegaanadda bariga Somaliland ayaa soo dadajisay dhacdooyinkan. Sida runta ahna binu-aadamku marka albaabka laga furo ee uu arko in la danaynayo oo arimihiisa mihiimad wayn la siinayo halkii dantiisu ku jirto ayuun buu ku dabafaylayaa, bulshaddaas iyo Faroole labadubana way ogyihiin deegaanada bariga Sanaag iyo shacbigaasiba uu yahay Somaliland oo aan sinaba looga jari Karin”. Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha Somaliland mar uu ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan Maleeshiyada ka soo goosatey Khaatumo ee isku soo dhiibtey Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa Ciidankaas soo goostey iyo siyaasiyiinta arintaas masuulka ka ah, run ahaantiina waa arin guul wayn u ah Qaranka, dadkanina sida xaqiiqda ah kamay imanayn meel fog oo Kenya iyo Ethiopia kamay imanin oo waa dad reer Somaliland ah oo tabasho ku maqnaa, gogasha nabada ee Madaxwaynaha ee ay aqbaleena waa arin lagu farxo, waxa kale oo aan halkan iyagana bogaadin uga dirayaa Madaxda Qaranka ee halkaas ku soo dhawaysay ee u guuraysay inay tabashadda dadkaas dhagaystaan oo runtii muujinay Bisaylka iyo haykalka dawladnimo”.
Haatuf