Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Marwo Fowsiya oo ku laabatay Muqdisho kaddib safar ay ku tagtay Nigeria

$
0
0

Fowsiya-MuqdishoAwdalpress(Muqdisho) 21 July 13–Raysul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dib ugu laabatay Muqdisho kaddib markii magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria ay uga qeyb gashay shir madaxeed gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Afrika , kaasoo Ururka Midowga Afrika uu soo qaban-qaabiyay .

Shirka oo looga dooday qaabkii looga ciribtiri lahaa qaaradda Africa Virus-ka HIV Aids-ka,  TB iyo Malaria ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku bandhigtay aragtideeda xal u helidda dhibaatadan dib u dhigtay horumarrada ay qaaraddu ku tallaabsan laheyd.

Marwo Fowsiya ayaa markii ay maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo ah Xog-hayaha Joogtada Wasaaradda, Diblomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan .

Raysul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dib ugu laabatay Muqdisho kaddib markii magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria ay uga qeyb gashay shir madaxeed gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Afrika , kaasoo Ururka Midowga Afrika uu soo qaban-qaabiyay .

Shirka oo looga dooday qaabkii looga ciribtiri lahaa qaaradda Africa Virus-ka HIV Aids-ka,  TB iyo Malaria ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku bandhigtay aragtideeda xal u helidda dhibaatadan dib u dhigtay horumarrada ay qaaraddu ku tallaabsan laheyd.

Marwo Fowsiya ayaa markii ay maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo ah Xog-hayaha Joogtada Wasaaradda, Diblomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan .

RBK

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles

Latest Images