Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xeerka saxaafadda Soomaaliya

$
0
0

united-nations-Awdalpress(Newyork) 21 July, 13–Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xeerka qabyada ah ee saxaafadda Soomaaliya ee ay dhowaan golaha wasiirrada ansaxiyeen, kaas oo ay xustay in ku jiraan qodobbo ka hor imaanaya xorriyadda saxaafadda.

Warbixin ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka ayaa ku boorrisay xukuumadda Soomaaliya inay dib u eegto xeerka cusub oo wariyaha uga baahan doona inuu shaaciyo isha warka uu ka helo.

Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville ayaa sheegay in xeerka uu yahay mid aan caddeyn oo xaddidaya xorriyadda hadalka.

Xeerka saxaafadda Soomaaliya ayay suuraga tahay inuu ansax noqdo laba bil gudahood, marka ay ansixiyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu saxiixo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa timid xilli shalay warbixin ay soo saareen koox qubarro ah oo UN-ka ka tirsan ay ku sheegeen in musuq uu ka dhex jiro dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah tii ugu horreysay oo uu dalku yeesho tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles