Awdalpress(dhusamareeb) 30 Oct.2015– Lix ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa saakay dhintay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray laba garab oo ka tirsan Al-Shabaab deegaanka Jacar oo 30 KM u jirta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa dhexmaray laba koox oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo kala taageerayay Daacish iyo ururka Al-Qaacida.
Lixda maleeshiyada ah ee la dilay ayaa wararku sheegayaan inay taageer sanaayeen kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Cabdi Xasan Maxamed oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Galgaduud ayaa barkulan u xaqiijiyay iska hor imaadka dhexmaray Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in meydka lixda nin la geeyay deegaan lagu magaacabo Barkaan oo 50 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Ceelbuur.
Dagaalka dhexmray Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeeshay deegaanka iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay u dagaalamaan labada garab ee Daacish iyo Al-Qaacida.
RBK
The post Lix qof oo ku dhimatay dagaal Galgaduud ku dhexmaray Al-Shabaab appeared first on Awdalpress.com.