Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hambalyo ku socota Wasiirka cusub ee Waxbarashada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.

$
0
0

Cabdilaahi-Dheere-300x225Awdalpress – London -Jaaliyadda gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay na soo gaadhsiiyeen taageero mug leh iyo hambalyo ay u dirayaan Wasiirka Cusub ee Waxbarashada Somaliland Mudane Abdillaahi Ibrahim Habbane ( Abdillaahi Dheere ).

 

Wasiir Abdillaahi Habbane oo ah shakhsi u dhashay ragannimo iyo  geesinnimo, ayaa waxa uu muddo dheer xoghaye u ahaa gobolaha Guurtida. Intii uu hawshaa hayeyna waxa uu muujiyey hawl karnimo iyo maamul wanaag. Sidoo kale Mudane Habbane, waxa uu shaqada loo igmaday u leeyahay aqoon iyo karti. Waxana dadka aqoonta u lihi ay leeyihiin, ‘ Abdillaahi waxa uu wax weyn ka beddeli doonaa Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

 

 

 

Jaaliyadda ay hambalyadu ka socoto waxa ay sidoo kale hambalyo taa la mid ah u gudbinaysa Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo hawshan u magacaabay Wasiirka.

 

 

Ugu danbayn waxa ay Jaaliyaddu kula dardaarmayaan Wasiir Abdillaahi in uu muujiyo shaqo wanaag, caddaalad iyo wax qabad aan caadi ahayn.

 

Awdalpress

The post Hambalyo ku socota Wasiirka cusub ee Waxbarashada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo magacaabay. appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles