Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Bandow lagu soo rogay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

$
0
0

Awdalpress – Muqadisho – 19/05/13 – Degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo rogay bandow billaabanaya 5:00 gallabnimo kaa soo soconaya illaa aroorta hore ee maalinta xigta, waxaana bandowgan lagu sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka degmada.

Bandowgan ayaa si rasmi ah xalay u dhaqangalay, waxaana saraakiisha degmada ay sheegeen in bandowgan uu socon doono inta laga xaqiijinayo ammaanka degmada.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa u sheegay HOL in xalay ay xaafadaha degmada gaar-wareegayeen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaasoo xaqiijinayay ammaanka.

“Tani waa qayb ka mid ah qorshe uu maamulku ugu talogalay inuu ku adkeeyo ammaanka degmada iyo deegaannada ku dhow-dhow, waana socon doonaa badowgan in ujeeddada laga leeyahay la gaarayo,” ayuu yiri sarkaal u hadlay maamulka degmada.

Degmada Jowhar oo ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen sannadkii hore xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay bambooyin lagu weerarayo xarumaha dowladda ee degmadaas ku yaalla.
Hol


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles