Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ra’iisul Wasaaraha DF iyo Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland oo kusoo wajahan Muqdisho – See more at:

$
0
0

Heshiiskii_Gaalkacyo_ka_dhacay

Isniin, December 07, 2015 (Awdalpress) — RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay la socdaan madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in safarka mas’uuliyiintan uu salka ku hayo ka qayb-galka shirka madasha wada-tashiga Qaran oo lagu wado in maalinta berri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Heshiiskii_Gaalkacyo_ka_dhacay_660

Shirarkan oo looga hadlayo hannaanka doorashooyinka ee sannadka 2016-ka ayaa hakad-galay, kaddib markii ay Gaalkacyo ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo RW iyo xubnaha kale ay aad ugu mashquuleen xal u raadinta colaaddan.
Dhanka kale, dhawaan ayaa waxaa gobollada dalka lagu qabtay shirar looga hadlayay hannaanka doorasho ee dalka ka dhici karta, iyadoo maamullada qaar ay doorteen nidaamka 4.5-ka, halka kuwo ay doorteen in deegaan lagu soo xulo xildhibaannada iyo kuwo kale oo doortay in awood-qaybsi la sameeyo.
Kulankan wada-tashiga Qaran ayaa lagu wada inuu berri furmo, iyadoo ay ka qayb-geli donaan madaxweynaha Somalia iyo xubno ka socda Beesha Calaamka; waana qorshe lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorashp sannadka soo socda ee 2016-ka.

The post Ra’iisul Wasaaraha DF iyo Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland oo kusoo wajahan Muqdisho – See more at: appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles