Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Taliyihii Ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bosaaso oo maanta la toogtay

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta la dilay Taliyihii Ciidamada amaanka Puntiland u qaabilsanaa Garoonka diyaadaha Magaalada Boosaso Col. Xasan Shire Amaan

Sida aan Wararka ku heleyno dilka sargaalkan waxaa ka dambeeyay askari katirsanaa Ciidamada ilaalada Garoonka Boosaaso, askariga dilka geestay ayaana lagu waramayaa inuu ka baxsaday halkii uu dilka ka geestay.

Ciidamada amaanka Magaalada Boosasao ayaa wada baaritaano xoogan ay ku baadi goobayaan askariga maanta dilka u geestay Taliyihii amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxaana gabi ahaan la xiray Koontaroolada Magaalada Boosasao si uusan u baxsan askariga dilka geestay.

Col. Xasan Shire Amaan, ayaa noqday Taliyihii Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso sanadi 2003-dii, waxa uuna xilkaasi hayay mudo ka badan 12-sanadood, waxa uuna ahaa sargaal muhiim u ahaa Ciidamada maamulka Puntiland.

The post Taliyihii Ciidamada amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bosaaso oo maanta la toogtay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles