Baqdaad (Awdalpress) Taangiyada iyo hubka kale culus ee ku dagaalamaan Dagaalyahanada Daacish ayaa la ogaaday in ay yihiin hub ay soo saareen Dowlado waa weyn oo hada dagaal kula jira Kooxdaasi.
Kooxda Daacish ayaa barahooda bulshada kusoo bandhigay Sawirada Taangiyo, Qoryaha lIdka Diyaaradaha iyo hub kale oo casri ah ay Kooxdaasi ku dagaalamaan.
Taangiyada iyo hub kale oo ay Kooxda Daacish heestaan ayaa la ogaaday in ay sameeyeen wadamo ay kamid yihiin UK, Russia, China, USA, Germany iyo France, hubkan ayaana badankood ah kuwa la siiyay Ciidamada Dowlada Ciraaq.
Hubkan ayaa qaarkood qaab musuq maasuq looga xaday Keydka hubka Dowlada Ciraaq , waxaana mid kamid ah Taangiyada hada soo bandhigtay kooxda Daacish la ogaaday in si xatooyo ah looga bixiyay keydka hubka Dowlada Ciraaq.
Warbaahinta Caalamka ayaa qoray in hubkan Kooxda Daacish hada ku dagalamayaan ee casriga ah ay sameeyeen Dowladaha hada dagaalka kula jira Kooxdaasi sida Mareykanka ,UK, Faransiiska iyo Ruushka.
The post Daawo Sawirada ” Taangiyada iyo hubka Culus ay heestaan Kooxda Daacish oo la ogaaday Wadamada soo saaray appeared first on Awdalpress.com.














