Koobka horyaalada Yurub ee UEFA Champions League oo la soo afjaray wareegiisii hore ayaa iminka waxaa iskugu soo haray 16-kooxood oo caan ah, halka kooxaha qaarkood awood looga reebay tartankaan caalamiga ah .
*** Kooxaha ka socda dalka Ingiriiska ayaa waxaa u matali doona wareega labaad ee koobkaan, Fc Chelsea oo 2-0 ku suul daartay naadiga Fc Porto iyo Fc Arsenal oo guri kale 0-3 kaga soo badisay naadiga reer Giriiga ee Olympiakos. Sidoo kale naadiga Manchester City ayaa soo baxay in kastoo Man Utd guuldaro 2-3 ah ay kala kulantay naadiga reer Germany ee Wolfsburg .
*** Dhanka kooxaha Horyaalka dalka Spain ee La Liga ayaa waxaa u soo baxay koobka Champions League oo u matali doona kooxaha kala ah Fc Barcelona , Real Madrid iyo Athletic Madrid . Horyaalka Talyaaniga ayaa waxaa horboode sanadkaan uga ah kooxaha Juventus iyo As Roma .
*** Sidoo kale sideeda kooxood ee u soo baxay tartanka wareega 16-aad ee koobka UEFA Champions League ayaa waxeey kala yihiin : Fc Bayern München iyo Wolfsburg (Germany) , Paris Saint Germain (France) , Dnamo Kiev (Ukraine) , Gent (Belguim) , St.Petersburg (Russia) , PSV Eindhoven (Holland) iyo Benfica (Portugal) .
*** Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa isku heeysta tartanka iskoorka taariikhda Gooldhalinta koobka UEFA Champions League . Cristiano Ronaldo oo naadiga Malmo 4-gool ka dhaliyay wuxuu sidaas ku yeeshay (88-Gool) , halka Leo Messi oo gool bareejo ah ka xareeyay naadiga Bayer Liverkusen uu isna sidaas ku yeeshay (80-Gool) .
The post 16-kooxood oo iskugu soo hartay koobka Champions League , C.Ronaldo & Messi oo Iskoor isku heysta appeared first on Awdalpress.com.