Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay maanta xasilloon tahay magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya laba beelood.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ku waabariisteen jawi nabadeed oo aad uga duwan labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Xasilloonida magaalada ayaa ka dambeysay dadaallo nabadeed oo ilaa shalay ay magaalada ka wadeen wafuud ka kala socota dowladda Soomaaliya, maamulka Galmudug iyo odayaal dhaqameed qaarkood ka kala yimid gobollada kale ee dalka qaarkood.
Dadka magaaladu waxay sheegayaan inay maanta dib u furmeen inta badan adeegyada bulshada oo hakad galay maalmihii lasoo dhaafay.
Baladweyne ayaa waxaa ka socda dadaallo xoog leh oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaadda, laguna wada hadal siiyo dhinacyada dagaallamay.
The post Baladweyne oo xasilloon iyo dadaallo nabadeed oo ka socda appeared first on Awdalpress.com.





