Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta sagootiyay arday deeq waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ka helay dowladda Sacuudiga.
Ardayda oo tiradooda ay tahay siddeed ayaa ku biiraya jaamacadda Tabuuk ee ku taalla dalka Sacuudiga.
War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu sheegay in ardaydan ay qeyb ka yihiin 283 arday oo deegaannada Puntland ka soo jeeda oo sanadkan deeqo waxbarasho jaamacadeed ka kala helay dalalka Sacuudiga, Suudaan, Itoobiya iyo Masar.
Madaxweynaha ayaa xafladda sagootinta ah ugu qabtay ardayda baxaysa qasriga madaxtooyada, waxaana goobjoog ahaa wasiirka waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland.
Waa markii ugu horreysay oo wasaaradda waxbarashada Puntland ay deeq waxbarasho ka heshay dalka Sacuudiga, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada, Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
Madaxweyne Gaas ayaa kula dardaarmay ardayda nasiibka u yeelatay inay helaan deeqda waxbarasho inay ka faa’iidaystaan fursadda, ayna dib ugu soo laabtaan dalka marka ay waxbarashada soo dhammaystaan si ay dalka iyo dadka u anfacaan.
Wuxuu kaloo kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta dalkooda iyo tan dalka ay wax ku baranayaan.
The post Madaxweynaha Puntland oo sagootiyay arday deeq waxbarasho jaamacadeed ka helay Sacuudiga appeared first on Awdalpress.com.





