Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Axmed_Weli Sh. Omer Goth Muxuu Ka yidhi Arrintii Xadhiga Ee C/raxman Shide?

$
0
0

167611_1661060819275_5694228_n

Waxaan ku faraxsannahay in Abdirahman Shide la soo daayey. Oo xorriyaddiisii loo soo celiyey. Prof. Saleebaan & Maamulka Jaamacadda Camuudna waxa looga fadhiyaa in ay xaaladda dejiyaan.

Arrinta dhulka & Xuquuda uu ku lahaa Jamaacadda ee uu sheeganayo Abdirahman Shide-na si sulux iyo walaaltinimana leh loo xallilo.

Odayada maamulka Jaamacadda Amoud ka midka ah ee ka hadlay xadhigga Abdirahman Shide -na waxan si sharaf leh uga codsanayaa in ay raalli gelin ka bixiyaan ereyadii ay ku yidhaahdeen, ‘MUUSE XASAN ayey ka yimaaddeen odayada inanka u hadlayey’.

Sidoo kale, Odayadii inanka u hadlayeyna waa in ay raalli gelin ka bixiyaan hadalladii ka baydh baydhay ee ay Prof. Saleebaan u jeediyeen ama cadhada kula dul dhaceen. Waayo, Prof. Suleebaan waa biri ma geydada geyiga Somaliyeed ku sii hadhsan. Waxa uu dalka iyo dadka u qabtayna waa markhaati ma doon. Waase banu Adam oo qalad wuu ka dhici karaa. Laakiin waa in aan si qalad ah lagu sixin waxa laga tabanayo.

Abdirahman Shide-na waa in uu dhiniciisa gar qaataa. Haddii laga gar leeyahay.

Dadweynihii hadalladani muranka beerta ka dhashay ee dhibsadayna waan ka raalli gelinayaa.

Xaaladda degaankuna waxa uu ku soo noqday sidii uu ahaa. Beesha reer Nuur oo ay taabatayna si fiican ayey isaga arkeen. Oo ay arrinta dhinacooda ka sexeen, gaar ahaan qaladkii ka dhacay degaankooda Amoud ee ay degaanka u leeyihiin. Wixii dhimanna waxa ay bulshada gobolka u ballan qaadayaan in ay dhamaystiri doonaan.

Ahmedweli Goth

The post Axmed_Weli Sh. Omer Goth Muxuu Ka yidhi Arrintii Xadhiga Ee C/raxman Shide? appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images