Awdalpress(Muqdisho0 19 May, 13–Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay maamulka Somaliland kala hadlayso tallabadii ay ku mamnuucday duullimaadyadii Qaramada Midoobay ee garoomada Berbera iyo Hargaysa.
Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda federaal-ka, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka xuntahay xayiraada uu maamulka Somaliland ku soo rogay duullimaadyada Qaramada Midoobay, wuxuuna Qaramada Midoobay ka raalli-galiyay tallaabadaas.
Wuxuu sheegay in xayiraadda maamulka Somaliland ee duullimaadyada Qaramada Midoobay ay ka hor-imaaneyso xeerka duullimaadyada caalamka iyo howlaha samafalka.
Ciil-mooge waxa uu sheegay in dowladda ay iftiimineyso qiimaha iyo ahmiyadda howlaha bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay, isagoo xusay in maamulka hawada Soomaaliya aanu siyaasad la xiriirin, dowladduna ay diyaar u tahay inay wada-hadal kala gasho Somaliland, iyadoo la ilaalinayo jiritaanka qarannimada Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore dowladda Soomaaliya ku wareejisay maamulka hawada dalka oo muddo 22 sano ah laga maamulayay Nairobi, waxaana tallaabadaasi ka carooday maamulka Somaliland oo xayiraad ku soo rogay duullimaadyadii Qaramada Midoobay ee garoomada deegaannada uu maamulo.
RBK