Awdalpress – Muqdisho – Waxaa caawa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada muqdisho qaraxyo aad u xoogan. Qaraxyadan ayaa la sheegayaa in illaa 6-qarax laga maqlay qaar kamid ah dagmooyinka muqdisho sida ay wararka qaar uu helayo Shabakada Dhacdooyinka.Net ay sheegayaan caawa
Warar aan ka soo xigannay saxaafadaha ka hawgala gobolka Banaadir ayaa tibaaxaya in ay la xiriireen qaar ka mid dadka ku sugan goobaha ay caawa qaraxyadu ka dhaceen ayaa u sheegay in laga maqlay ilaa 6-qarax, kuwaasi oo ka dhacay laga bilaabo isgoyska Makka Al Mukarama illaa isgoyska Ex-Control Afgooye.
Dadka qaar ayaa sheegaaya in qaraxyadu ay ahaayeen kuwa gacanta laga tuuro
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa dhacay wixii intaas ku soo kordho waan idin soo gudbin donaa.
Awdalpress.com






