Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaybtii labaad ee warbixintii Socdaalkaygii Addis, JigJiga, Aw Barre, Borama iyo Hargeysa

$
0
0

Asxaab qiimo leh  ayey ahaayeen wiilasha wakhtigaa aan Itoobiya ka soo degey I soo dhaweeyey, sida fiican ii marti geliyey, dalka, dadka iyo waayaha guudba iiga warramay. Kaddib, waxan kulannay nin ka mid ah ardaydii  aan dugsiga mar wada gallay oo aan isku fasalka ahayn muddo 35 sano ka hor ah.

Ninkani aan isku fasalka ahaan jirnay waxa uu intii sannaddaba ka shaqeeyaa kulliyadda waxbarasha macallimiinta ee hoos timaadda Jaamacadda JigJiga,waxana uu immiga yahay mas’uul sare oo ka tirsan hawl wadeennada Kulliyaddaasi. Sidoo kale waxa aan la kulmay asxaab kale oo waafiya, oo aanan inta badan garayn laakiin iyagu si fiican ii garanayey.

Mr. H M  ayaa isagu ahaa wiilka aan addresskiisa haystay, ee aan Vissaha ku soo buuxsaday, sida gaarna xidhiidhka u lahayn, waxana uu wakhtigaa ku guda jiray shahaadada dhexe ee Jaamacadda ee loo yaqaan Masterka oo uu ku samaynayey magaalada Addis Ababa. Waxanan kuwada xidhiidhaynay telefoonka, isaga ayaana inta badan igu soo xidhay asxaabta qiimaha badan ee Jig Jiga igu soo dhaweysey.

Dhammaanba dadkii JigJiga igu soo dhaweeyey oo u badnaa aqoon yahanno u shaqeeya maamulka gobolka ayaan si fiican u kala war qaadannay, waxanan la yaabay horumarka aqooneed ee ay shakhsiyaadkaasi lahaayeen.

Waxa ay dhallin yartani badi ahaayeen kuwii wax ku soo bartay Aw Barre, sida ay ii sheegeenna waxa ay tirada da’yartani kor u dhaafeen illaa iyo 5oo oo maanta ka mid ah kaadarka Ismaamulka Somalida. Hussein oo aad iigaga warramayna waxa uu ii sheegay in ay heleen fursad dahabi ah, iyaguna ay si fiican uga faa’iidaysteen. Mar uu ila kaftamayeyna waxa uu ii sheegay in ay reer Aw Barre ahaan yihiin laan dheeraha Killilka, oo ay degmo iyo gobol wal oo Ismaamulka ka mid ahba joogaan. Oo ay bulshada Somalida Itoobiya iyo dalka Itoobiyaba si fiican ugu adeegaan.

La soco qaybta dambe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles