Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin Ah Oo Aanu Niri Baxa Xiriirkii Iiraanna Weli Waa Sidiisii

$
0
0

Hadliye_Shirka_Midowga_Afrika (2)

Arbaco, Janaayo 06, 2016 (Awdalpress) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sucuuudigu ee Tehran.

C/salaan Hadliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhawro Axdigii Vienna, isagoo intaas raaciyay inay ka xun yihiin sida foosha xun ee loo weeraray Safaaradda Sacuudiga.

“Waxaan baahinnay war-saxaafadeed aan ku cambaareyneyno falkaas, waxaana muhiim ah in la ixtiraamo axdigii Vienna, waana kasoo horjeednaa weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee magaaladaTehraan. Marka waxaa la doonayaa xukuumadda Iiraan ay garato mas’uuliyadeeda, annaga waxaa Taageernay wixii anu xaq u aragnay,” ayuu Wasiirku ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu xiriir Wanaagsan kala dhexeeyo xukuumadda Sacuudiga, ayna ay ku taageerayaan tallaabooyinka ay qaadeen. Waxaana wasiirku uu si kulul u beeniyay warar uu sheegay inaanay waxba ka jirin oo la xiriira in dublamaasiyiinta IIraan ka dalbadeen inay dalka ka baxaan.

“Dubalmaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aan ku niri dalka Somalia ka baxa ma jiraan, xiriirka aan la lahayn Iran waa sidiisii hore, balse waxaa jirtay in rag Iiraaniyiin ah ay maalin dhawayd nabad-sugiddu qabatay, markii ay tageen meel aan loo baah-nayn inay tagaan,” ayuu yiri wasiir hadliye.

Xukuumadda Saudi Arabia ayaa dhawaan xiriirka u jartay dalka Iiraan, iyadoo 48-saac uga dalbatay dublamaasiyiinta Iran inay Sucuudiga uga baxaan, iyadoo ay ku biireen tallaaban dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga, sida Bahrain, Kuwait, UAE iyo Suudaan oo Afrika ku taalla.

Ugu dambeyn, Tehran ayaa si kulul u cambaareysay go’aankii ay Saudi Arabia ugu jartay xiriirkii siyaasadeed, Waxaana Tallaabadan ay ku Tilmaameen inay xiisad ka dhalin karto gobolka Bariga Dhexe.

Si kasta ha ahaatee, xukuumadda Washington ayaa dhankeeda sheegtay inay ugu baaqayso Sucuudiga in tallaabada ay qaateen ay dhalin karo cawaaqib-xun, iyadoo ugu baaqday inay joojiso dhammaan tallaabooyinka xiisadda sii adkeyn kara.

The post HADLIYE: Ma jiraan Dublamaasiyiin Iiraaniyiin Ah Oo Aanu Niri Baxa Xiriirkii Iiraanna Weli Waa Sidiisii appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles