Mogadisho (Awdalpress) Emel Tekin oo ah madaxa wasaarada arimaha dibada dowlada Turkiga ee masuulka ka ah howlgalka Soomalaiya ayaa qirtay in dowladeedu ay Saldhig Military ka dhisayso magaalada Muqdisho kaa oo lagu tababari doono ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo ay Xukuumada Ankara ka hirgalinayso gudaha Soomaaliya,waxayna tani qeyb ka tahay heshiis horay u dhaxmaray dowladaha Turkiga iyo Soomalaiya.
“Saldhigan military wuxuu fududeyn doonaa islamarkaana wuxuu saldhig u noqondoonaa tababarada milatry ee qaarada afrika” sidaa waxaa tiri Emel Tekin.
Waaxda daafaca baarlamaanka Turkiga ayaa 9 bishii tagtay qalink ku duugay heshiis military oo ay wada saxiixdeen wasiirada daafaca Turkiga iyo Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaarada Gaanshaadhiga Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dugsi military ay ka hirgalinayso Muqdisho kaa oo ujeedku yahay in wax lagu baro saaraakiisha dowlada Somaaliya.
Tekin waxay walaac ka muujisay mar ay booqatay Soomaaliya inay soo aragtay askar xiran Labis ciidan oo kala duwan taasna loo baahanyahay in laga soo gudbo ,dowlada Turkiguna ay ka caawinayso arintaa Soomaaliya.
Xukuumadaha Muqdisho iyo Ankara ayuu xiriirkoodu wanaagsanaa tan iyo sanadkii 2011 markaa oo uu Turkigu uu noqday wadanka Kaliya ee Soomaalida usoo gurmaday xiligii abaarta ba’ani ay dalka ka dhacday.
Lacag lagu qiyaasay $400 million ayuu Turkigu ku qarash gareeyay dowlada Sooomaaliya ,sida laga soo xigta wasarada arimaha dibada Turkiga.
The post Turkiga oo Soomaaliya ka Hirgalinaya Saldhig Milatari appeared first on Awdalpress.com.