Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Cabdiweli Gaas oo isku taagay madaxtinnimada Puntland

$
0
0

Awdalpress- 07 Aug, 13–Raysul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu u taagan yahay jagada madaxweynennimo ee maamulka Puntland doorashada soo socota ee lagu wado inay dhacdo January 2014.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay isbeddel dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in 15-ka sano ee ay jirto Puntland in aysan gaarin wali heerkii loogu talagalay inay gaarto, sidaas darteedna loo baahan yahay in wax badan laga beddelo horumarka maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shaqo abuuris loo sameeyo dhallinyarada gobolka, si is-beddel dhaqaale loo helo, isaga oo sheegay in uu arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda Puntland wax badan ka qaban doono.

Doorashada madaxtinnimo ee maamul goboleedka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha January ee sanadka 2014.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles