Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

London: Dibadbax looga soo horjeedo Bangiga Barclays

$
0
0

Awdalpress(London) 07 Aug, 13–Dad badan oo isugu jira Soomaali iyo shisheeye oo ka soo horjeeda tallaabada bangiga Barclays uu ku xiray shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee aqalka raysul wasaaraha Britain, David Cameron.

Dibadbaxayaasha ayaa xafiiska raysul wasaare David Cameron u gudbiyay codsi ay saxiixeen 25,500 oo qof oo uu ku jiro orodyahanka caanka ah ee Mo Farah, iyadoo dibadbaxayaashu ay ku cadaadinayaan bangiga Barclays inuu sii wado adeegga uu siiyo shirkadaha xawaaladaha Soomaalida.

Xubno ka tirsan shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee uu saameeyay go’aanka Barclays iyo dad wata boorar ay ku qoran yihiin qoraallo raysul wasaaraha looga codsanayo inaan la xirin xawaaladaha ayaa ka qeyb-galay bannaanbaxa.

Bangiga Barclays ayaa tallaabada uu ku joojiyay adeegyada xawaaladaha ku tilmaamay mid uu ku joojinayo lacagta sida sharci darrada ah la isugu diro.

Soomaalida ku nool dalalka qaniga ah ayaa lacag u dira eheladooda ku sugan Soomaaliya si ay isaga bixiyaan lacagta iskuulka, daryeelka caafimaadka iyo cuntooyinka aasaasiga ah.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles