(Reer Nuur Afar Dameer oo la rartay way iska fogeeyeen)…odhaahdaasi waa gaf ummad dhan laga galay.
Maqaal loogu magac daray weedha xaydaaban ee kor ku xusan ayaa mawduuc u ahayd maqaal lagu soo qoray shabakadda qarannews.com cadadkeedii soo baxay ( 07/08/13). Waxana ku saxeexnaa qoraa runtii aan aad u qiimeeyo qoraalladiisa, oo ka mid ah dadka aadka wax ugu qora shabakadaha.
Qoraaga maqaalkaasi waxa uu in badan ka hadlay qaddiyadaha xasaasiga ah ee gobolka Awdal iyo kuwa Somaliland amma aan idhaahdee Somalida. Waxana ka mid ah maqaalladiisa oo Ingiriisi iyo Somaliba ku qoran, kuwan hoos ku qoran:
» Siilanyo oo Jilbaha Haysta Ismacil Cumar Geele halka ..
DIMASHADA/DHIBTA BORAMA IYO ZEILAC WAA MAAMUL XUMADA …
Jawaab Ku Socota Muuse Biixi iyo Siilaanyo Dhiigii Reer Awdal
Lahaanshaha IyoTaariikhda ZEILAC: Waa Jawaab Ku Socota Cali …
Dameertu Geela Ha Didisee Qururuftay Kaga Dartay
Dhulkaygu Gorgortan Ma Galo. « HiilDan.Com
The Monstrous Monkey from Djibouti is Finally Barred in its .
Heshiiskii Gadabuursi La Galay Dawladda Faransiiska 1885 …
Jawaab Taariikhda Magaalada Saylac iyo Beeshii Asal ahaan …
» Sunatimes.com | Sunatimes – News, Sports, Videos and Music
Elmi waa ninka maqaalka ku sexeexane, sida qoraalladiisa ka muuqata waa aqoon yahan luxdan, laakiin aqoon uma lihi. Waxase dad badani ka biyo diideen ereyada uu ku sheegay in odayada reer Nuur yihiin dameero iska hadlay amma waa sida uu hadalka u dhigaye uu ku suntay in ay lacag ka soo qaateen xukuummadda Ahmed Siilaanyo, oo ay taasi ka hadlinayso.
Runtii u malayn maayo in dhaqanka wanaagsani innoo oggolaanayo, in aan mandate amma oggolaasho u haysanno aflagaadada madaxda reeraha. Beeshuna aqbali mayso in odayadooda la iska aflagaadeeyo. Balse, waa la dhalliili karaa, siyaasaddoodana waa la naqdiyi karaa.
Dhinaca kale waxan ognahay in beel walliba ay siyaasad gaar maanta ku socoto, beelo isku xidhan oo hadaf mid ah lihina aanu jirin. Waxanan aamminsanahay in beesha reer Nuur ay muddo dhabarka ku sidday load siyaasadeed oo culus, oo ay dhulka la gashay. Immigase waxa ay odayadoodu isteerinka u hayaan siyaasad cusub, oo aan marnaba loo yeedhinayn. Sida aan ka warqabana ma oggolaanayaan in dadkoodu weligoodba ahaadaan kuwa ugu saaqidsan siyaasadda geeska Afrika.
Beel ahaan reerka Reer Nuur waa beelaha degaan ahaan iyo tiro ahaaba ugu baaxadda weyn reer Somaliland, waxana ay dhabarka kaga jabeen dagaalkii sokeeye ee dhinacyada kaga socday. Muddada ay Somaliland jirtayna waxa ay ahaayeen kuwo dhaymo u waayey boogihii dagaalkii sokeeye ka soo gaadhay. Laakiin maanta waxa ay go’aansadeen in ay dhinaca ka soo fadhiistaan xeedhada iidaaman ee dawladnimo.
Fikirka odayada hadlay ee uu qoraagu ka hadlay haddii aan u soo noqodo, waa mid dhici karta in ay odaydu arrimaha qaarkood il-duufaan amma goldaloollo siyaasadeed ay ka muuqato. Hase yeeshee, waxan aamminsanahay tubta ay ku taagan yihiin in ay tahay tii ay dhaymo ugu heli lahaayeen nabarada weli doogsanaya.
Marka aan tiraabahaa qorayo uma jeedo amma igama aha in aan reer difaacayo inkasta oo marka dhinac laga eego aan difaaci karo karaamadooda iyo mawqifkooda siyaasadeed. Balse qabyaalad igama aha, qoraagana uma qabiil sheeganayo, oo ma lihi reerka anaa ah oo kaa xiga oo uma hadli kartid. Balse waxan isku itaalayaa in aan iftiimiyo xaqiiqda jirta iyo arrimaha beerlaxawsiga ah ee qoraaga iyo dad kaleba ku hadaaqaan amma ku mud mudaan beesha reer Nuur.
Haddii aan hoos u daadagana, waxa aan ogeyn dhagartii ka dhacday Kala-Baydh ee Cawar Xareed loo xidhay. Dee taasi may ahayn mid reer Nuur uun u taalla, ee waxa ku jiray Jibraacin, Bahabar Cabdallo iyo Aden Yoonis, hadday aarsanayaan iyo haddii ay dacwoonayaanna waa looga fadhiyaa, laakiin waxan ogahay in indhahooga oo shan ah loo keenay maydkii raggii la laayey iyo baabuurtii ragga lagala degay ee ay xoolaha ka dheceen….taasi waxa ay ahayd mid shamso yaa daahir…. , oo aanay xataa odhan halkaad ka keenteen aan isla tagno, amma aanay odhan keena dhagar qabayaashii dadka jidka u galay masaafurka.
Si ay ka ahayba odyadii reer Borama oo aanu Suldaan Saleebaan iyo odayaal reer Nuur midna ku jirini, nabad ayey qaateen, maydkii ayey aasteen, lacag iyo wixii kale ee dhiig joojin ahaana way guddoomeen. Sidaasi amma gobannimo ha ahaato amma gunnimo ha ahaatee, waxa ay ahayd dhacdo sooyaalka ku qorantay.
Arrintaasi markaa noqon mayso arrimo mar walba lagu dhaq dhaqaajiyo beesha Reer Nuur iyo odayadooda, noqon mayso arrimo siyaasad laga dayo oo mar walba sidii adhiga lagu didiyo beeshaasi. Waxana ay maanta ka soo tooseen koomo ay muddo ku jireen, oo lagu dul xoolaystay, lagu dul shaqaystay, oo ay daafaha dunida ugu daaduumeen.
Osman ( waa qoraaga aan maqaalkiisa ka jawaabayo) walaal intaasi waa iga hoga tusaale siyaasadeed iyo is xasuusin waaqaca jira amma aan u soo joognay. Odhaahahayguna waa kuwa run ah. Beesha taladeeduna iyaga iyo odayadooda ayey u taallaa, Cawar Xareed iyo kuwa kale oo la mid ahiba, waa shakhsiyaal dambiileyaal ah. Waxanay ka mid yihiin dambiilayaasha amma dhagar qabayaasha lagu hayo Jeelasha Somaliland gobolladooda, ee maaha mid reer Awdal oo kaliya u gaar ah, waxase soo dhaw amma la sugayo in dambiilayaashaa la maxkamadeeyo.
Hadal iyo gaba gabo, waxa maanta beesha reer Nuur hortaalla sidii ay dawladaha gobolka geeska Afrika wax ula qabsan lahaayeen, laakiin uma taallo sidii ay u difaaci lahaayeen qabiilooyin kale amma ay dawladaha uga hor iman lahaayeen. Dadka ay walaalaha yihiin amma oodwadaagta yihiinna waxa ay jecel yihiin in ay walaalnimadooda iyo wanaaggooda geed dheer iyo ku gaabanba u fuulaan. Balse dhici mayso in ay dagaal iyo difaac uun weligoodba qoriga u haystaan. Dulmina weligood oggolaan maayaan.
Odayaduna fasax ayey u haystaan sidii ay taa ku gaadhi lahaayeen, siyaasadaha qaldan ee la mar marinayana xaq bay u leeyihiin in ay iska leexiyaan. Marka ay sidaa yeelayaanna maaha dameero ee waa geesiyaal.
Dhammaad
Ahmedweli Goth





