Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Diyaarad hub sidday oo ku qaraxday Aadan Cadde Airport

$
0
0

Awdalpress – Muqdisho – Diyaarad sidday hub, ayaa goor dhow oo saakay ku qaraxday garoonka diyaaraha Adan cadde ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa barkulan uu sheegay in diyaaraddu ay qaraxday markii ay soo caga dhigatay dhabbaha diyaaradaha ku soo degaan ee gudaha garoonka.

Diyaaradda ayaa ahayd mid yar, oo sidday hub, lamana xaqiijin ilaa hadda dalka laga leeyahay, iyo halka ay ka timid.

Wali lama xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay diyaaraddan qaraxday oo sidday hub iyo sababta keentay qaraxa.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaanan wali wax war ah kasoo saarin qaraxa diyaaradda.

 www.Bar-Kulan.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles