Awdalpress(Nayrobi) 10 Aug, 13–Dowladda Kenya ayaa diidday baaqyo loo diray ciidankeeda jooga Kismaayo oo ku saabsanaa inay dekedda iyo garoonka Kismaayo ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.
Taas beddelkeeda waxay Kenya soo jeedisay in wareejinta labadaas xarumood ee muhiimka ah ay ka wada xaajoodaan dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka si waafaqsan dastuurka Soomaaliya.
Xog-hayaha difaaca ee Kenya Monicah Juma iyo xog-hayaha arrimaha dibadda ee Kenya Karanja Kibicho ayaa ka sheegay shir jaraa’id in tallaabada wareejinta dekedda ay horseedi karto dareen xasillooni darro iyo dagaal hor leh.
War murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedkii Kampala, hoggaamiyayaasha gobolka ayaa ku heshiiyay in la soo afjaro muranka la xiriirka maamulidda dekedda iyo garoonka Kismaayo, iyadoo dowladda federaalka lagu wareejinayo maamulidda magaalada Kismaayo.
Dhanka kalana Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu celiyay magaalada Muqdisho markab laga leeyahay dalka Turkiga oo siday raashin gargaar ah kaas oo laga celiyay xeebta dekedda Boosaaso ee gobolka Bari.
War-saxaafadeed loo diray xafiisyada wararka, Puntland waxay ku sheegtay in raashinka laga lahaa dano siyaasadeed.
“Waxaa caddaatay in raashinka uu qeyb ka yahay siyaasad jahwareersan oo Dowladda Federaalka ay ka waddo gudaha Soomaaliya, taasoo khilaafsan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo jiritaanka iyo Dastuurka Puntland,” ayay Puntland ku sheegtay war-saxaafadeedka.
Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka inaysan wax codsi ah ama xiriir ah kala soo sameyn dowladda Puntland raashinka gargaarka, sidaas darteed ay go’aan ku gaartay in markabka dib loogu celiyo Muqdisho oo uu ka soo shiraacday.
Puntland waxay sheegtay inay guddi u saartay baaritaanka arrintan, iyadoo sheegtay inay qoraal gaar ah u diri doonto xafiiska hay’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo dowladda Turkiga si jawaab kaafi looga bixiyo xadgudubka siyaasadeed oo ay Turkiga qeyb ka noqdeen.
Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan celinta markabka.
RBK