Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

DAAWO: Kulan looga Hadlay Doorka Haweenka ee Horumarinta Dalka oo Gaalkacyo lagu Qabtay

$
0
0

3
Kulan looga hadlayay Doorka ay Haweenka ku leeyihiin Horumarinta Wadanka, ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo ay ka Qayb-galeen Haweenka Gobolka Mudug ku nool.

Waxaa kulanka ka qayb-gashay wasiir ku-xigeen Haweenka & Arrimaha Qoyska Puntland, Farxiyo Yuusuf Xirsi, iyadoo intii shirku socday lagu dhiirri-gelinayay Gabdhaha Aqoonta leh ee Soomaaliyeed inay kaalin ka qaataaan Horumarinta dalkooda.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Mudug, Dhurdi Aw-Yuusuf iyo Isku-duwaha Wasaaradaha Haweenka Puntland ee Gobalka Mudug, Deeqo Warsame oo labadaba ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay doorka Haweenka, waxayna tilmaameen inay muhiim tahay in la sheego guulaha Haweenka Soomaaliyeed ay gaareen.

Awdalpress.com

The post DAAWO: Kulan looga Hadlay Doorka Haweenka ee Horumarinta Dalka oo Gaalkacyo lagu Qabtay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images