Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciraaq: 50 ruux oo qarax ku dhimatay

$
0
0

1
Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob isbaaro ah oo ku taal magaalada Hilla ee Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad ilaa 50 qof.
Tiro kale ayaa ku dhaawacmay. Saraakiishu waxay sheegayaan in gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu qarxay, kaas oo sababay in ay le’daan dadkii saarnaa gaadiid saf ku jiray.
Kooxda dawladda Islaamiga ayaa mas’uuliyadda sheegatay, qoraal la soo dhigay internetka.
50 qof, ayaa laba sano ka hor loogu dilay weerar ismiidaamin oo ka dhacay goob ay jidgooyo tiillay isla magaalada Hilla oo 100 KM koonfurta kaga beegan Baghdad.
Awdalpress.com

The post Ciraaq: 50 ruux oo qarax ku dhimatay appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles